Ciidanka Suudaan oo ku dhawaaqay, inay RSF kala wareegeen warshadda Sifaysa Shidaalka ee ugu Wayn Dalkaas.

36
0

Ilo-wareed ka tirsan ciidamada Suudan ayaa Aljazeera u sheegay, in ciidamada ay u suurtagashay inay dib ula wareegaan gacan ku haynta warshada sifeysa shidaalka oo ku taalla magaalada Al-jili ee waqooyiga magaalada Bahri, kadib dagaalo socday dhowr maalmood.

Ciidamada Suudaan ayaa baahiyay sawirro muujinaya duulaanka ay ku galeen warshadda sifeynta ee Al-jili, warshadaha militariga, iyo xafiisyada adeegga amniga, qoraal kooban oo kasoo baxay militariga ayaa lagu xaqiijiyay, inay awood uyeesheen inay maleeshiyaadka Taagerada degdega ah ka saaraan wershada.

Waxaa xusid mudan in warshadda sifeysa shidaalka ee Al-jili oo qiyaastii 70 KM dhanka waqooyi ka xigta magaalada Khartoum, loo aqoonsan yahay inay tahay warshadda ugu weyn ee sifeynta shidaalka, waxaana ay ku sii jirtay gacanta ciidamada Taageerada degdega ah tan iyo markii uu dagaalka qarxay bartamihii bishii April 2023-kii.

Magaalada Al-Jili ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay iska hor imaadyo gacan ka hadal ah oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Suudaan iyo Xoogaga Taageerada Degdegga ah, iyadoo Ciidamadu ay doonayeen in ay gacanta ku dhigaan dhufeysyadii ugu dambeeyay ee Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay kaga sugnaayeen Xarunta warshada Sifeynta.

Warbaahinta Milliteriga Suudan ayaa baahisay Sawirro muujinaya Taliyaha Ciiddanka Suudan, ahna Madaxa Golaha Qaranimada, Abdel Fattah Al-Burhan, oo ku sugan magaalladda Al-jili ee Waqooyiga Bahri.

Ciidamada Suudaan ayaa horumar milateri ka sameynaya manaadiqda qaarkood, shalay ayay ahayd markii ilo-wareedyo dhanka ciidanka ah ay Aljazeera u sheegeen, in ciidanku ay ka qaadeen go’doomintii ay ciidamada Taageerada degdega ah ku soo rogeen xarunta Taliska Guud ee Khartoum muddo sannad iyo bar ah.

Ilo-wareedyo ka tirsan ciidamada Sudan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadoodu ay qaadeen go’doomin ay maleeshiyaad RSF ku hayeen xerada Signal Corps, kadib dagaalo ka dhacay bartamaha Khartoum Bahri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here