Xamaas oo Maanta Wareejisay 4 Maxbuus oo Yahuud ah. Iyadoo la Filayo inay Yahuudda sii dayso 120 Maxbuus oo Falastiiniyiin ah.

34
0

Muqaawamada Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza ayaa maanta waxa ay wareejiyeen 4 maxbuus oo Yahuud ah oo ay gacanta ku hayeen, taasoo qayb ka ah wejiga labaad ee iswaydaarsiga maxaabiista ee udhaxeeyo iyada iyo Yahuudda.

Al-Qasaam ayaa meel ay goob joog ka ahaayeen cutubyo ka tirsan guutooyinka Al-Qudus, ayaa waxa ay ku wareejisay shaqaalaha Laanqeyrta Cas 4 haween ah oo ka tirsan ciidamada Yahuudda, waxa ayn wareejinta si gaar ah kaga dhacday deegaanka Al-saha ee bartamaha magaalada Gaza, iyadoo ay goob joog ahaayeen tiro badan oo ka tirsan Xubnaha wax iska caabinta, marka laga soo tago dad badan oo Falastiiniyiin ah oo isugu soo baxay goobta lagu wareejinayo.

Afartan haween ee maxaabiista ah ayaa ka soo muuqday kaamirada xilligii la wareejinayay iyagoo labisan dareeska millatariga ciidanka guumaysiga, waxaana lagu wareejiyay xubno katirsan Laanqayrta Cas.

Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka guutada Qassam, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay magacyada afarta gabdhood ee maxaabiista ah, isaga oo qoraal ahaan soo dhigay, Iyadoo la raacayo qaab dhismeedka heshiiska isdhaafsiga maxaabiista, magacyadooduna waxay kala ahaayeen: Karina Arif, Danielle Gilboa, Naama Levy, Liri “Elbag”.

Geesta kale, warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in Sahaayinada ay sii dayn doonta wajiga labaad ee maxaabiis iswaydaarsiga illaa 120 oo maxbuus oo falastiiniyiin ah, taas oo laba jibaar ka badan tiradii la sii daayay dufcaddii ugu horreysay todobaadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here