Olole Amni oo Cusub oo ka Socda Baadiyaha Latakia ee Dalka Suuriya.

32
0

Ciidamada Milateriga iyo kuwa ammaanka ee dowladda KMG ah ee dalka Suuriya ayaa olole cusub oo dhanka ammaanka ah ka bilaabay baadiyaha Latakiya ee Galbeedka dalkaasi, kadib weeraro hor leh oo ay fuliyeen rag hubeysan oo daacad u ah maamulkii  Bashaar Al-Asad ee talada laga tuuray.

Wakaalladda Wararka ee Syria (SANA) ayaa sheegtay, in Waaxda Hawlgalladda Milliteriga oo kaashanaysa Ciiddanka Ammaanka guud, ay tan iyo fiidnimadii Jimcaha olole dagaal oo ballaaran ay ka wadeen baadiyaha Latakia, kadib markii ay soo noqnoqdeen weerarro ay ku tilmaameen haraadigii maleeshiyaadka Bashaar Al-Asad.

Madaxa amniga Latakia, Gaashaanle Dhexe Mustafa Knefati, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee magaalada ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda inay wax u dhinto amniga dalka.

Kenafati ayaa sharraxay, in qaar kamida baraha ay bulshadu ku wada xiriirta lagu  daabacay xog been abuur ah oo ku saabsan, in ciidamada amniga guud ay ka baxeen dhowr goobood oo katirsan gobolka Latakiya, isagoo xusay, in kooxa fallaago ah ay xogtan uga faa’iideysteen inay fuliyaan falal dambiyeedyo iyagoo bartilmaameedsanaya goobo ay leedahay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sarkaalka ayaa sheegay, in isku dayga falaagadaas uu fashilmay, ayna ku guuleysteen in 3 ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday laga takhaluso, isagoo intaas ku daray, inay ku raad-joogaan dambiilayaal baxsad ah.

Dhinaca kale, mareegaha wararka ee Suuriya ayaa lagu daabacay, in Waaxda Amniga Guud ay olole dagaal ka fulisay xaafadda Al-Qusuur ee magaalada Baniyas ee Galbeedka Suuriya, kadib markii mid ka mid ah ilaaladeeda xalay la toogtay.

Ciidamada Milateriga iyo kuwa ammaanka ee dalka Suuriya ayaa waxa ay olole balaaran ka bilaabeen Latakia, Homs, Hamah, Xalab, Dimishiq iyo baadiyaha si ay u baacsadaan kooxa doonaya inay xasilooni darro ka abuuraan deegaamadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here