Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaallo istiraatiji ah, iyadoo Hanjabaad Hawada Umarisay Mareykanka.

46
0

Kuuriyada Waqooyi ayaa ​​ku dhawaaqday inay ciidamadeedu tijaabiyeen gantaallo istiraatiji ah. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa kormeerayay goobta lagu tijaabinayay gantaaladaas,  sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxay xustay wakaaladda, in gantaallada la hagayay ee badda ka gudbay ay socdeen masaafo dhan 1,500 kilomitir, waxayna duulayeen 7,507 illaa 7,511 ilbiriqsi ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda. Waxa ay ku macneysay in daah-furka uusan wax saameyn xun ku yeelan doonin amniga dalalka deriska ah.

Kim ayaana wacad ku maray inuu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo awoodda militariga. Warbixinta ay daabacday KCNA ayaa lagu sheegay, in tijaabada gantaalku ay ku timid qayb ka mid ah qorshayaasha lagu dhisayo awoodda difaaca qaranka ee ka dhanka ah cadawga iman kara iyadoo la raacayo isbeddelada xaaladaha amniga ee gobolka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa wacad ku martay, in ay qaadi doonto tallaabooyinka ugu adag ee ka dhanka ah Mareykanka illaa iyo inta Washington ku dhaqaaqayso mowqif ka hor imaanaya madax-bannaanida Pyongyang.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in kororka xiisadda gobolka ay sabab u tahay dhoolatusyada wadajirka ah ee u dhaxeeya Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka iyo isbaheysiga milateri ee ay leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here