Madaxwaynaha Haiti oo Walaac ka Muujiyay Go’aamada Trump.

31
0

Leslie Voltaire, oo ah madaxa golaha madaxtooyada ee ku meel gaarka ah ee dalka Haiti, ayaa sheegay in go’aamada maamulka Trump ee lagu joojinayo barnaamijyada gargaarka, musaafurinta tahriibiyaasha iyo mamnuucidda qaxootiga ay musiibo ku noqon doonto Haiti.

Voltaire ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu Sabtidii shalay ku siiyay wakaaladda wararka ee Associated Press isagoo ku sugan magaalada Rome.

Voltaire ayaa sheegay, in Haiti ay ka jirto xaalado masiibo ah, halkaas oo kooxaha dambiilayaal ah ay dilaan dadka rayidka ah, isla markaana ay ka hawlgalaan guud ahaan dalka iyagoonan wax ciqaab ah la kulmaynin. Voltaire ayaa xusay in kala bar 11.4 Milyan oo qof oo Haiti-yaan ah ay durba la ildaran yihiin gaajo, iyo in waayitaanka gargaarka bini’aadantinimana ay xaaladda si weyn uga sii dari doonto.

“Trump waxa uu yiri Haiti waa wadan qurun ah, sidaas darteed uma maleynayo inuu dan ka leeyahay Haiti,” ayuu yiri Voltaire, isagoo xusay in kumanaan qof mar hore laga soo tarxiilay Jamhuuriyadda Dominican, iyadoo kooxaha burcadka ah ay argagax geliyaan dadka. Waxa uu intaa ku daray, in siyaasadaha cusub ee Maraykanku ay xaaladda ka dhigi doonaan musiibo.

Intii lagu guda jiray muddo xileedkiisii hore Trump wuxuu adeegsaday luqad qallafsan si uu su’aalo u weydiiyo sababta Mareykanku u aqbalay soogalootiga Haiti iyo waddamada Afrika. Waqtigaas, Aqalka Cad ma diidin hadalka Trump, laakiin wuxuu soo saaray bayaan uu ku sheegayo in Trump uu taageersan yahay siyaasadaha soo dhaweynaya kuwa wax ku soo kordhin kara bulshada Ameerikaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here