Ilo wareedyo ka tirsan waxa loogu yeero Aqalka Cad ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in maamulka Mareykanka uu amar ku siiyay ciidamada Mareykanka inay qaadaan xayiraadda uu ku soo rogay maamulkii madaxweynihii hore ee Joe Biden ee ahaa in Yahuudda la siiyo bambaanooyin gaaraya 2 Kun oo Pound.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, tallaabadan ayaa si weyn loo filayey. Mawqica Axios ayaa soo xigtay saddex sarkaal oo Yahuuddi ah oo sheegaya in Aqalka Cad uu qaaday xayiraaddii saarnayd bambooyinkaas.
Biden ayaa hakiyay gaarsiinta bambooyinka isagoo ka walaacsan saameynta ay ku yeelan karaan dagaalka ay Yahuudda kula jirto dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ee marinka Gaza.
Trump oo ah nin kasii xagjirsan Biden ayaa wax yar ka hor intuusan la wareegin talada dalkaas waxa uu ku hanjabay inuu Gaza u badalayo jaxiimada dagaalka, balse Allaah ayaa siiyay jawaab aad u kooban, taasoo ahayd inuu dab dhulka la simay magaaladii fisqiga iyo fasaadka ee Los Angeles.
Allaah ayaana u hiiliyay adoomadiisa Muslimiinta ah, halka Yahuuddana iyadoo dulaysan ay ka baxday Marinka Gaza, iyadoo Mareykanka uu noqday midka gurtay miraha kharaar ee ka dhashay dulmigii lagu geysanayay gantaallada uu siiyo Yahuudda.