Diyaarad Militari oo Siday Dad Laga soo Tarxiilay Mareykanka oo ku Degtay Dalka Guatemala.

31
0

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo sidday dad laga oo tarxiilay dalkaas, taasoo qeyb ka ah ololaha madaxweyne Donald Trump ee ka dhanka ah socdaalka sharci darrada ah ayaa shalay ka degtay dalka Guatemala, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba sarkaal oo Ameerikan ah oo magacyadooda qariyay.

Duulimaadka ayaa astaan ​​u ah in Trump uusan ka laabanin qorshihiisii ahaa in diyaarado militari uu u isticmaali doono soogalootiga, inkastoo uu shalay ku dhawaaday inuu dagaal ganacsi la galo Colombia.

Kani waa duulimaadkii seddexaad ee si guul ah ugu dego Guatemala tan iyo markii duulimaadyada masaafurinta ay bilaabeen todobaadkii hore. Ilaa hadda, Guatemala waxa ay u muuqataa in ay tahay dalka kaliya ee helay diyaarado milatari oo siday dadka laga soo tarxiilay Mareykanka. Duulimaadkan ayaa ah kii u horeeyay tan iyo markii Trump uu ku hanjabay in uu canshuuro iyo cunaqabatayn ku soo rogi doono Colombia kadib markii ay horay u diiday duulimaadyadaas.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Colombia ay aakhirkii ogolaatay inay aqbasho kuwa lasoo tarxiilay, taas badalkeedana aysan Washington ku soo rogi doonin cunaqabateyntii ay ku hanjabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here