Senator-ka Ugu Xilka Dheer Maraykanka oo Shacabka Dalkiisa Ugu Baaqay Inay Kasoo Horjeestaan Baaqii Trump ee Barakicinta Falastiiniyiinta.

65
0

Senetar Bernie Sanders oo kamida aqalka sanatarada ee dalka Mareykanka ayaa si kulul u dhaleeceeyay baaqii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump ee ahaa in Falastiiniyiinta laga masaafuriyo Marinka Qaza lana geeyo dalalka deriska la ah, isagoo ku tilmaamay inay arintani tahay isir sifayn toos ah oo lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta.

Senetarkan oo ah ninka ugu xilka dheer sanatarada Maraykanka ayaa shacabka ugu baaqay inay kasoo horjeestaan baaqa Trump ee ku aadan barakicinta dadka Falastiiniyiinta ah.

“Qof kasta oo Ameerikaan ah waa inuu cambaareeyaa fikradda guracan ee Trump ee ah barakicinta Falastiiniyiinta,” ayuu Sanders ku yiri qoraal uu soo dhigay shalay Isniintii bartiisa “X” ee horay loo oran jiray Twitter.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday, in baaqii Trump ee ahaa in malaayiin Falastiiniyiin ah laga barakiciyo Qaza lana geeyo dalalka deriska ah uu yahay dembi dagaal oo aan la aqbali Karin.

7-dii Janaayo, Sanders ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu joojiyo hubka iyo rasaasta uu ka iibinayo Yahuudda, iyadoo la eegayo dhibaatada bini’aadantinimo ee sii kordhaysa ee Marinka Qaza, oo uu ka socday dagaal qaatay in ka badan 15 bilood.

“Maraykanku waa in aanu bambooyin badan u dirin Benjamin Netanyahu oo ah dawladd xagjirka ah, taas oo dishay in kabadan 45 Kun oo qof, burburisay guryihii Qaza, xarumihii caafimaadka, iyo dhamaan nidaamyadii waxbarashada, arinkaas oo sababay macaluul baahsan” Sanders ayaa ku yiri qoraalka uu soodhigay bartiisa X. Wuxuuna carabka ku adkeeyay in uu samayn doono wax kasta oo uu awoodo si uu uga hortago in Maraykanku hubka ka iibiyo Yahuudda.

Sabtidii lasoo dhaafay, Trump ayaa soo jeediyay in Falastiiniyiinta laga soo wareejiyo marinka Qaza, loona wareejiyo dalalka deriska ah sida Masar iyo Urdun, isagoo ku andacoonaya inaysan jirin meelo ku habboon oo ay kaga noolaan karaan Marinka Qaza sababo la xiriira xasuuqa Yahuudda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here