Warbaahinta Yahuudda oo Sheegtay in Trump uu Damacsan Yahay Inuu Ciidamada Mareykanka ka Saaro Dalka Suuriya.

33
0

Warbaahinta Yahuudda ayaa daaha ka qaaday fiidnimadii Talaadada in saraakiil sar-sare oo ka tirsan Aqalka Cad ay fariin u gudbiyeen dhiggooda Yahuudda oo ay ku sheegeen, in madaxweyne Donald Trump uu doonayo in kumanaan askari oo Maraykan ah uu kala soo baxo Suuriya.

Warbaahinta Yahuudda ayaa ku micneysay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Suuriya ay walaac weyn ku keeni doonto maamulka Tel Aviv, waxaana la filayaa in tallaabadan ay sidoo kale saameyn doonto cutubyada Kurdiyiinta ee Suuriya, sida ay sheegeen khubarada militariga.

Wargeyska Washington Post ayaa maalmo ka hor sheegay in illaa 2 Kun oo askari oo Maraykan ah ay weli ku sugan yihiin bariga Suuriya, iyagoo kaashanaya ciidamada Kurdiyiinta Suuriya, howlgalkaas oo sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah looga golleeyahay ka hortagga soo noqoshada waxa ay ugu yeereen kooxaha argagaxisa iyo in la xaddido saameynta Iran ay ku leedahay Suuriya ayaa mustaqbalka ciidamadaas ka dhigaya mid hubanti la’aan ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isku dayay inuu dhammaan ciidamada Suuriya kala soo baxo sanadkii 2018-kii markii ugu horeysay ee uu xilka qabtay , taasoo keentay in xoghayihii hore ee gaashaandhigga Jim Mattis uu iscasilo.

Iyadoo waaxda howlgallada militari ee ay hogaamiso Hayat Taxriir al-Sham ay ku sii siqayaan ciidamada maamulka Bashaar Al-Asad ee xilka laga tuuray bishii hore, isla markaana ay gaareen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, ayaa Trump waxa uu baraha bulshada soo dhigay in ciidamada Mareykanka aysan wax shuqul ah ku lahayn danaha Suuriya, waxa ka dhacaya dalkaasna aysan waxba ka galain.

Kooxaha Suuriya ayaa la wareegay gacan ku haynta caasimadda Dimishiq 8-dii December, taasoo soo afjartay 61 sano oo xisbiga Baath Party iyo 53 sano oo qoyska Asad ay maamulayeen.

Donal Trump ayaa wacad kumaray inuu ciidamadiisa kala bixi doono dalal badan oo ay kamid tahay Suuriya, sidaas silamid wuxuu horay ciidamadiisa ugala baxay dalka Soomaaliya, kaddib markii uu ku fashilmay isku daygiisii ahaa inuu dalka kasamaysto calooshood u shaqaysataal isaga ka amar qaata, balse waxaa dib ugusoo celiyay ciidamadaas madaxwaynihii isaga ku xigay ee Joe Baidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here