Ciidamada Dawladda Suudan oo Gabi Ahaanba Lawareegay Magaalada Khartoum Bahri.

36
0

Ilo-wareedyo Millitari oo ka tirsan ciidamada Suudan ayaa sheegay, in Ciiddanka ay maanta oo Arbaco ah soo gaba gebeeyeen Gacan-ku-haynta magaalladda Khartoum Bahri, halka Ciiddanka Taageerada Degdegga ah laga saaray guud ahaan magaaladaas.

Goob-jooge ka tirsan mas’uuliyiinta dawaldda Suudaan oo la hadlay wakaalada wararka ee Aljazeera, ayaa xaqiijiyay inay kala shaqeynayaan Hay’adaha gargaarka sidii dadka rayidka ah loogu soo celin lahaa guryahooda sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ciidanka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay horumaro ka sameeyay goobo cusub oo ay ka mid yihiin Bariga Khartuum, Bariga wabiga Nile iyo Khartoum Bahri, halkaas oo mudoo yinkii dambe ay ka socdeen iska hor imaadyo xooggan.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii la qaaday go’doominta taliska guud ee bartamaha Khartoum ee xarunta ciidanka Asluubta, iyo xarumo kale oo xiriir la leh laamaha sirdoonka oo ku taalla agagaarka Khartoum Bahri, si ciidanku u billaabo fulinta wajigii saddexaad ee howlgal milateri oo ay qaadeen 26-kii September.

Dhinaca kale, Warbaahinta Milliteriga qeybta 6-aad ee magaalladda Al-Fasher ee Xarunta Gobalka Daarfuur, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Diyaaradaha Dagaalka ee Ciiddanka Dowladda Sudan ay aroornimadii hore ee maanta duqeymo dhanka cirka ah ku qaadeen Fariisimo ay ku sugan yihiin Ciiddanka Taageeradda Degdegga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here