Ciidamada dawladda Suudan ayaa sheegtay dilka taliye sare oo katirsan ciidamada taageerada degdega ah, kaas ku dhawaad sanad iyo bar ka tirsanaa ciidamadan, kaddib markii urur uu isagu lahaa uu ku biiriyay ciidamada xooggaga taagerada dagdaga ah.
Omran Abdullah, oo ah la taliyaha ciidamada taageerada degdegga ah, ayaa ku dhawaaqay dilka taliye Rahmatullah Al-Mahdi, oo loo yaqaanay “Jalha” shalay oo Talaado ahayd, isagoo aan sheegin goobta rasmiga ah ee lagu dilay taliyahaas iyo qaabka loo dilay.
Ciidamada RSF-ta ayaa Talaadadii ku dhawaaqay dilka “Jalxa” iyadoo warar is khilaafaya ay kasoo baxayaan qaabka loo dilay, balse ilo isku mid ah ayaa sheegay in lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay bariga caasimadda Khartoum, oo ay fulisay diyaarad Drone ah oo bartilmaameedsatay Kolonyo baabuur ah oo marayay deegaanka Waadi Al-Akhdar ee deegaanka Bariga wabiga Niil.
Jalha ayaa madax u ahaa dhaqdhaqaaqa loogu yeero “Dadka geesiyaasha ah ee Kordofan” oo la aasaasay 2020-kii. Ururkan ayaa dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaano dhowr ah oo ku yaalla Galbeedka Kordofan, inta badan xubnaha ururka ayaa ka tirsan qabiilka Misseriya. Jalha ayaa kooxdiisa ku biiriyay Ciidamada Taageerada Degdegga ah Sebtembar 2023-kii.
Taliyaha goobta ayaa caan ku ahaa inuu si joogto ah u soo bandhigo muuqaallo baraha bulshada, kuwaas oo uu ugu hanjabayo inuu jabin doono kuwa uu ugu yeeray “haraadiga”.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamay in gobolka East Nile uu ka socdo dagaal gacan ka hadal ah oo u dhaxeeya qabiilada Misseriya iyo Mahriya oo ka dhashay dilka Jalxa, qoraalo ay soo saareen qabiilka Misseriya ayaa wacad ku mareen inay u aargudi doonaan dilka Jalxa.