Ciidamada Sahaayinada oo Hawlgalo Duqayn ah ka Fuliyay Magaalooyin Dhaca Konfurta Lubnaan.

51
0

Gelinkii dambe ee Khamiista, ciidamada Yahuuddu waxay hawlgal duqeyn ah ka fuliyeen magaalada Kfar Kila ee koonfurta dalkaas, waxayna rasaas ku fureen laba qof oo Lubnaaniyiin ah oo ku sugnaa magaalada Rmeish ee koonfurta Lubnaan, xilli ay kormeerayeen beer ay goobtaas ku lahaayeen, kaddib markii ay fasax ah inay tagi karaan beertooda ay ka heleen ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo Yahuuddu lee dahay ayaa  bartilmaameedsatay agagaarka Xuseeniya oo ku taalla magaalada Taybeh ee koonfurta Lubnaan.

Ciidamada Yahuudda ayaa howlgalo baaris ah ka fuliyay magaalo dhacda koonfurta dalkaas ee Lubnaan iyo magaalada Dahra ee ku taalla xadka ay Lubnaan la wadaagto dhulka Falastiiniyiinta ee Gumaysiga ku jira, sidoo kale ciidamada Yahuuddu waxay burburiyeen dukaamo iyo tiro baabuur oo ay lahaayeen dadka ku dhaqan  magaalada Burj Al-Muluk ee koonfurta Lubnaan.

Duleedka magaalada Shebaa ee koonfurta Lubnaan ayay Yahuuddu ku garaacday madaafiicda goobta, waxayna ciidamada Yahuuddu dab qabadsiiyeen beer lagu xanaaneeyo digaaga oo ku taallay deegaanka Tal Nahas-Deir Mimas oo ku taalla koonfurta Lubnaan.

Weeraradan ayaa imaanaya, kaddib markii ururka Xisbullaah ay heshiis lagaleen maamulka Yahuudda, kaas oo xabad-joojin kala dhex dhigayay labada dhinac, inkastoo aysan Yahuuddu joojin xadgudub yada ay ka wado koonfurta Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here