Afhayeenka Guutada Al-Qassam oo ku Dhawaaqay Magacyada Maxaabiista Yahuudda ee Bari lasii Dayn Doono.

42
0

Afhayeenka Guutada Al-Qassam Abu Cubeyda ayaa maanta oo Jimce ah ku dhawaaqay magacyada maxaabiista Yahuudda ee la qorsheeyay in la sii daayo berri oo Sabti ah, waana qeybtii afraad ee maxaabiista la isku weydaarsanayo qaab dhismeedka heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee Marinka Qaza.

Abu Cubeyda ayaa sharaxay, in maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ee la sii deyn doono berri ay kala yihiin Ofer Calderon, Keith Shmonsel Segal, iyo Yarden Bibas, waxayna iskugu dad da’ ah iyo kuwo xanuunsan.

Taas bedelkeeda, Raadiyaha Ciidanka Yahuudda oo soo xiganaya xafiiska Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in Tel Aviv ay heshay liiska maxaabiista la qorsheeyay in berito lagasoo  daayo marinka Qaza. Warbaahinta Yahuudda oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay, in liiska maxaabiista la filayo in berito la sii daayo ay tahay mid uu aqbali karto maamulka Yahuudda.

Maamulka Yahuudda ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dhankooda shaaciyaan tirada iyo magacyada maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee lasii dayn doono maalinta baritada ah, si ay ugusoo badashaan maxaabiista Yahuudda ah ee laga hayo.

Shalay oo Khamiis ahayd, kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa sii daayeey 3 maxbuus oo Yahuud ah, kuwaas oo kala ahaa laba dumar ah iyo oday da’ ah, iyagoo ku beddeshay 110 maxbuus oo Falastiiniyiin ah, waxayna sidoo kale sii daayeen 5 shaqaale ah oo u dhashay dalka Thailand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here