18 askari oo kamid ahaa ciidamada Pakistan ayaa lagu dilay iska horimaadyo ka dhacay koofur-galbeed ee dalkaasi, sida lagu sheegay bayaan uu maanta soo saaray militariga Pakistan.
Milateriga ayaa sheegay, in dableydu ay xalay isku dayeen inay isbaarooyin soo dhigtaan gobolka Balochistan ee ay dhibaatada ka taagan tahay, wuxuuna sheegay milateriga, in dhimashadu ay dhacday markii ciidamada ammaanku ay qaadeen isbaarooyinkaas. Ilaa hadda ma cadda kooxda ay ka tirsan yihiin dableydaasi.
Waxaa xusid mudan in gobolkan qaniga ku ah macdanta ee xuduudka la leh Iran iyo Afgaanistaan uu toban sano ka socday kacdoono ay wadaan qowmiyadaha Baloch ee gooni u goosadka ah iyo kooxa kale oo iyaguna halkaasi aad ugu firfircoon.
Bishii Agoosto, ugu yaraan 73 qof ayaa lagu dilay Balochistan kadib markii kooxo gooni u goosad ah ay weerareen saldhigyada booliiska, khadadka tareenada iyo waddooyinka waaweyn ee dalkaasi, ciidamada ammaanka ayaa bilaabay howlgallo ay kaga jawaabayaan weerarradaasi.