Donal Trump oo Canshuuro Kusoo Rogay Dalalka Kanada, Mexico iyo Shiinaha.

35
0

Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa shalay Sabtidii ku dhawaaqay, in Donald Trump uu canshuuro ku soo rogay ganacsatada waaweyn ee dalalka Kanada, Mexico iyo Shiinaha, kuwaas oo badeecadaha la casnhuurayo soo galiya gudaha dalka Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee France-Presse ayaa sheegtay, in Washington ay ku soo rogi doonto 25% badeecadaha laga keeno Kanada iyo Mexico, iyadoo 10% la saari doono tamarta ay Maraykanku ka helaan Kanada. Maraykanka ayaa Labadan wadan canshuuraha uu kusoo rogay shardi kaga dhigay inay kala shaqeeyan la dagaalanka ka ganacsiga daroogada iyo Tahriibka.

Aqalka Cad ee dalkaas  ayaa sidoo kale intaas ku daray in badeecadaha laga keeno Shiinaha lagu soo rogi doono canshuur dhan 10%, marka laga soo tago canshuuraha hadda laga qaado.

Trump ayaa la filayaa horaanta bishan Febraayo inuu ku riixo saddexdan waddan inay qaadaan tallaabooyin adag oo lagu joojinayo qulqulka kiimikooyinka ee lagasoo dhoofiyo dalka Shiinaha, kuwaas oo lasoo marsiiyo wadamada Mexico iyo Kanada, iyo sidoo kale in laga hortago soogalootiga sharci darrada ah ee ka soo gudbaya xuduudaha dalalkaas.

Kaddib doorashadii Donal Trump, dalka Maraykanka ayaa canshuuro dheeriya kusoo rogay dalal badan, isagoo si cad u sheegay in dalkiisu uu adkayn doono qiimaha saliidda iyo gaaska dabiiciga ah bartamaha bishan Febraayo, taas oo uu Maraykanku sanadkii 2023-ka uu ka helay hanti dhan 100 Bilyan oo dolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here