Yahuudda oo Weerarro ka Geystay Marinka Gaza, Tasoo ah Qayb Kamida Jabinta Heshiis la Wada Galay.

23
0

Maanta oo Axad ah, diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee ay Yahuuddu leedahay ayaa duqeysay waddada xeebta ee Al-Rashid oo waqooyi-galbeed ka xigta xerada Al-Nuseirat ee bartamaha marinka Gaza, iyadoo ciidammada Yahuudda ay bar-tilmaameedsadeen xaafado la deggan yahay oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Marinka Gaza, taasoo ah xadgudub cusub oo ka dhan ah heshiiskii xabbad joojinta ee dhawaan hirgalay.

Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu, in diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Yahuudda ay ku dhufatay labo gantaal agagaarka gaari marayey wadada xeebta ee Rashid oo u dhow buundada Waadii Gaza ee waqooyi-galbeed xerada Nuseirat, iyadoo aan geysan wax dhaawac ah.

Goob joogayaasha ayaa intaa ku daray, in duullaanka Sahaayinada uu argagax iyo cabsi ku abuuray dadka reer Falastiin ee mara wadada Al-Bahr.

Ciidanka Yahuudda ayaa rasaas ku furay guryaha Falastiiniyiinta ee ku yaalla bariga xerada Al-Bureij, iyadoo aan wax dhaawac ah geysan. ciidamada Yahuudda ee fadhigoodu yahay dhidibka Salaax al-Diin ee bariga marinka Gaza ayaa sidoo kale rasaas farabadan ku furay dhanka bariga magaalada Rafah, taasoo ah balan ka bax kale oo cusub.

28-kii bishii ina dhaaftay ee Janawari, ciidamada Yahuudda waxay qirteen inay jebiyeen heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza, iyagoo ku dhawaaqay inay rasaas ku fureen Falastiiniyiinta ku sugan Marinka, iyagoo ku andacoonaya inay khatar ku hayaan ciidamadooda, iyo baabuur ay ku andacoonayaan inay  galeen meela aan la ogoleyn in la maro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here