Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa ayaa maanta oo Axad ah booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, waana booqashadiisii ugu horreysay ee uu dibadda ku tago tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka dalkaas, kaddib markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad 8-dii December.
Sawirro uu baahiyey Channel-ka Al-Ekhbariya ee Sucuudiga laga leeyahay ayaa muujinayay in Al-Sharaa uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyadh, halkaas oo uu ku qaabilay Mohammed bin Abdul Rahman bin Abdulaziz oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Riyaadh.
Channel-ka ayaa sheegay, in Madaxweynaha Suuriya uu la kulmi doono Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, isagoo intaa ku daray in wada-hadalladan looga hadli doono arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, isla markaana loogu gogol xaarayo xoojinta xiriirka labada dal.
Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sidoo kale xaqiijisay, in Al-Shara uu la kulmi doonto Bin Salmaan, waxaana laga wada hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qaadista cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Suuriya, dib u dhiska, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal. Booqashadan ayaa timid kadib markii maamulka cusub ee Suuriya uu ku dhawaaqay in Al-Sharaa uu yahay madaxweynaha dalkaas marxaladdan KMG ah.