Ilo-wareedyo maxalli ah oo Falastiiniyiin ah ayaa soo sheegay, in dadka Yahuudda ah ee lagu deegaameeyay dhulka Falastiiniyiintu ay dab qabadsiiyeen masaajid ku yaalla deegaanka Arab al-Malihat oo bari ka xiga dhulka Daanta Galbeed ee la haysto subaxnimadii hore ee maanta.
Hassan Malihat, oo ah kormeeraha guud ee Ururka Al-Baidar, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in dadka Yahuudda ah ee lagu deegaameeyay dhulka Falastiiniyiintu ay dab qabadsiiyeen dhammaan masaajidka, wuxuu sidoo kale qareenkani sheegay, inay isku dayeen inay gubaan cagaf ay lahaayeen dad beeraley ah.
Dadkan Yahuudda ah ayaa horay u weeraray Iskuulka Al-Maarjat oo ku dhow magaalada Jericho, waxaana ay weerar ku qaadeen ardaydii wax ka baraneysay iskuulka, iyadoo xabsiga la dhigay maamulaha iskuulka iyo Macalimiintii u shaqaynayay hay’ada Bisha Cas ee Saliibka Gaduudan.
Bishii la soo dhaafay, dadkan ayaa gubay masjidka “Bar Al-Walidain” oo ku yaalla magaalada Marda, kaas oo u dhow magaalada Salfit ee waqooyiga Daanta galbeed, waxayna ku qoreen erayo lid ku ah dadka Falastiiniyiinta ah.
Ciidamada Yahuudda iyo dadka Sahaayinada ah ee lagu deegaameeyay dhulka Falastiiniyiinta ayaa ballaariyay weeraradooda ka dhanka ah dhulka Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Bariga Quddus, taas oo keentay in ay shahiidaan in ka badan 900 oo Falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen illaa 6,700 oo qof, iyadoo dhanka kale xabsiga loo taxaabay 14,300 oo qof oo Falatiiniyiin ah.