Kadib Galbashadii Nidaamkii Nuseyriyada Suuriya, Halkee ayuu Ruushku Ujiheystay.? [Warbixin]

46
0

Habeenimadii Talaadada ee tariikhda ku beegnayd 21-kii Janaayo, maraakiibta dagaalka Ruushka ee kala ah “Sparta” iyo “Sparta two”ayaa ku soo xirtay dekedda Tartus ee dalka Suuriya, halkaas oo maraakiibta badda ee Ruushka ay si aan kala joogsi lahayn uga howlgalayeen tobankii sano ee la soo dhaafay, kadib markii uu faragelin militari kusoo galay dalka Suuriya.

Labada markab ayaa maalmo ku xanibnaa xeebaha Suuriya iyagoo sugayay ogolaansho ay ku soo xirtaan, balse maamulka cusub ee dhawaan ka hanaqaaday dalka Suuriya ayaa u muuqaday inay ka gaabsadeen ogolaanshahaas, iyadoo ay socdeen wada hadallo udhaxeeyay Dimishiq iyo Moscow, laakinse habeenimadii Talaadada ilo wareedyo ayaa sheegay, in labada markab ay kusoo xirteen dekedda, taasoo u muuqatay in wada hadalladii socday ay guul kusoo dhammaadeen.

Ma cadda in soo xirashada maraakiibtaan ay qayb ka tahay dib u cusboonaysiinta iskaashiga Dimishiq iyo Moscow kadib markii maamulka cusub ee Suuriya ay la wareegeen talada dalkaas, iyo inay qayb ka tahay diyaar garawga uu Ruushka ugu jiro ka bixitaankiisa ugu dambeeya ee Tartus, balse falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in xaaladda labaad ay u badan tahay.

Wararka waxa ay tilmaamayaan, in maamulka cusub ee Suuriya uu dhab ahaantii damacsan yahay inuu baabi’iyo heshiisyadii dhinaca badda ee Moscow, kaas oo horay loogu oggolaaday inay isticmaasho dekedda Tartus, ayna labada markab ee Ruushku u yimaadeen oo kaliya, inay daabulaan qalab militari oo uu leeyahay Ruushka oo ku urursanaa dekeddaas tan iyo markii uu dhacay burburkii nidaamka Asad, iyaga oo sugaya ka bixitaankooda ugu dambeeya ee Suuriya halkaas oo ay ku sugnaayeen nus qarni.

Kadib hawlgalkii “Raddul-Cudwaan” ee ay bishii Noofambar 2024-kii soo qaadeen mucaaradka Suuriya iyo dhicitaankii degdegga ahaa ee taliskii hore, Moscow waxay la kulantay dharbaaxo weyn kadib markii ay waysay goobaheeda ugu muhiimsanaa ee ay saamaynta ku lahayd oo ah meel ka baxsan xudduudaha Midowgii Soofiyeeti ee hore, halkaas oo ciidamada Ruushka ay si weyn u joogeen.

Ruushka oo la ildaran dhaqaale xumo tan iyo markii uu dagaal kusoo qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022-kii, ayaa wax yar ka haysta dalka Suuriya xilligan, haddana natiijada kama dambaysta ah ee wadahadalka u dhaxeeya Moscow iyo maamulka cusub ee Dimishiq lama saadaalin karo xiligaan. Si kastaba ha ahaatee, dib u dhacan dhanka juquraafiga ah ee ku yimid Ruushka waxay u badan tahay inuu saameyn xun ku yeelan doono kaalintiisii Afrika.

Marxaladihii kala duwanaa ee sanadihii 1950-kii iyo 1960-meeyadii, Midowgii Soofiyeeti waxa uu saameyn weyn ku lahaa dalalka Aljeeriya. Angola, Masar, Mozambique, Soomaaliya iyo Itoobiya. Laakiin tan iyo 1980-meeyadii xiisihii Soofiyeedka ee Afrika ayaa hoos u dhacay, taas oo ay sabab u tahay hoos u dhaca dhaqaalaha gudaha ee Soofiyeedka, iyo soo kicitaanka reergalbeedka.

Tan iyo bilowgii qarnigii kow iyo labaatanaad, waxaa isbedel weyn ku yimid istiraatijiyadda Ruushka ee ku wajahnayd Afrika, taasoo ku soo beegantay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Vladimir Putin 2000. Madaxweynaha cusub wuxuu qaatay siyaasad adag oo dhanka dibadda ah, taas oo ku wajahan tartanka juquraafiyeed ee uu la galayo reer Galbeedka, oo ay ku jiraan dib u soo nooleynta xiriirka taariikhiga ahaa ee Afrika. Putin wuxuu aaminsan yahay in Ruushka lagu dulmiyay Dagaalkii qaboobaa, oo uusan helin wax u dhigma dadaalkiisa iyo taariikhda uu ku lahaa qaaradda Afrika, halka quwadihii hore ee gumeysiga ay sii wadeen inay saameyn ku yeeshaan qaaradda.

Ruushku illaa hadda ma jiro saldhig ciidan oo rasmi ah oo uu ku leeyahay Afrika, laakiin sida laga soo xigtay Hay’adda Cilmi-baarista Difaaca Sweden, Ruushku wuxuu heshiisyo iskaashi milatari ah la leeyahay 36 waddan oo Afrikaan ah, kuwaas oo 6 ka mid ah la saxiixay 2021 iyo 2022. Dalalka Itoobiya, Gabon, Mauritania iyo Nigeria waxa uu heshiis la saxiixday sanadka 2021-kii, halka Madagascar iyo Cameroon uu lagalay heshiiska sanadka 2022-kii.

Sidoo kale, Tirakoobkan ayaa shaaca ka qaaday in Ruushka uu noqday dalka ugu badan ee hubka  u dhoofiyo Afrika, waxaana labada dal ee hubka ugu badan ka iibsada Qaaradda Afrika ay kala yihiin Aljeeriya iyo Masar, kuwaasoo soo iibsaday hub ku kacayo 8 bilyan oo ay soo dagsatay Aljeeriya iyo $3.1 bilyan oo ay soo iibsatay Masar, intii u dhaxaysay 2009-kii illaa 2018-kii.

Guud ahaan, Ruushku waxa uu ku dhawaad ​​boqolkiiba 44% ka ahaa soo dejinta qalabka millatari ee loo soo dhoofiya qaaradda intii u dhaxaysay 2017 iyo 2021 marka loo eego xogta machadka cilmi baarista ee Stockholm. Sidoo kale Shirkado militari oo gaar loo leeyahay oo xiriir la leh Ruushka ayaa hawlgalo ka fuliyay 16 waddan oo Afrikaan ah intii u dhaxaysay 2005-tii illaa 2020-kii waxayna ka hawlgaleen dalal ay kamid yihiin Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Suudaan, Liibiya, Gabon, Koonfurta Suudaan, iyo Madagascar.

ku dhawaad ​​labaatan sano oo hawlagalo military ah oo uu Ruushku kawaday qaarada Afrika iyo ka faa’iidaysiga fursadaha. Qaaradan ayaa u noqotay goob muhiim u ah istiraatijiyadda caalamiga ah ee Ruushka, sida laga soo xigtay Siyaasiyiinta u dhuun-daloola arintan, Moscow waxay sannadkii ka heshaa Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo keliya lacag dhan 1 bilyan oo doollar, kuwaas oo ay ka mid yihiin ka ganacsiga sharci darrada ah ee dahabka, dheemanka iyo alwaaxyada qaaliga ah.

Mowko waxay ku fashilantay Suuriya. Muuhimada istaratijiyadeed ee Moscow ay ku lahayd dalka Suuriya ayaa sidoo kale ahaa mid lagama maarmaan u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan dalalka Afrika, iyada oo duulimaadyada joogtada ah ee ka duuli jiray saldhigyada  Suuriya gaar ahaan gobolka Latakia, ay meesha ka baxeen kaddib afgambigii talada dalkaas looga tuuray Bishaar Al-Asad.

Faragelinta milatari ee kooxda Fagnar ay ka wado dalka Mali, oo bilaabatay dabayaaqada sanadkii 2021-kii, ayaa ku tiirsanayd saldhigyada Ruushka ee dalka Suuriya,  waxayna u a hayd irid laga soo galo dalalka saxaraha ee galbeedka Afrika, sida dalka Burkina Faso oo ay ciidamadan soo galeen sanadkii 2023-ka iyo Niger oo ay soo galeen sanadkii  2024-kii.

Hubanti la’aanta ku saabsan dheelitirka awoodda Liibiya, waxay sidoo kale wiiqaysaa fursadaha Moscow ee ah in ay ka dhisato dalkaas saldhig xasilloon haddii uu dalkaas ka dhaco isbadal siyaasadeed, arintan ayaa ka dhigan haday taasi dhacdo in uu Ruushku halkaas ka heli karo fursad muhiim ah oo uu ku hantiyo dhaman dalalka galbeedka Afrika.

Sidoo kale uma badna in Ruushku uu awood u yeesho in uu saldhig ciidan oo badda ah ka dhisto xeebaha Badda Cas ee Suudaan, si uu badel ugu helo saldhigyadii uu ku lahaa dalka Suuriya. Moscow ayaa heshiis qabyo ah la saxiixatay Khartoum 2020-kii, kaas oo ku saabsanaa dhisida xarunta taageerada saadka ee Port Sudan, arintan ayaana hakad ku jirta tan iyo markii uu bilowday dagaalka Suudaan ee socda ku dhawaad labada sano.

Dalka Aljeeriya, Ruushku waxa uu horay u muujiyay rabitaankiisa ah in uu deked ka dhisto xeebaha dalkaas, wuxuuna waqtigan u arkaa inuu ku haboon yahay xiligii uu bilaabi lahaa wadahadalada la xiriira arintan, iyadoo Aljeeriya ay ka careysan tahay mowqifka Midowga Yurub ee colaadda Saxaraha iyo dhaleeceynta ay u jeedinayaan madaxweynaha Algeria.

Galbeedka Afrika, wadamada ku teedsan gacanka Guinea ayay sidoo kale Moscow danaynaysaa inay ka samaysato saldhigyo kuwaas lamida, laakiin iskuday kasta oo ay Moscow ku doonayso arintan ayaa u eg mid aan faro badan ku taagnayn, sababo la xiriir siyaasadaha dalalkaas ka jirta.

Dhab ahaantii, dalal ay ka mid yihiin Togo, Benin, Ivory Coast iyo Ghana oo sannado badan ku jiray khariidadda danaha Kremlin-ka, ayaa sidoo kale Maraykanku uu aad u danaynayaa, si uu uga hortago in saamaynta Ruushku ay ku fido gobolka, taas ayaana caqabd ku ah danaha  Moscow.

Ugu dambeyntii, arintan ayaa kusoo biyo shubanaysa  in Ruushku uu xal u arko in uu  heshiis isfaham la galo maamulka cusub ee Dimishiq, inkastoo ay kalsooni darro ka dhex jirto labada dhinac, taas oo ay sabab u tahay  dagaaladii dhiigga badani ku daatay ee dhacayay in ka badan tobanka sano, iyada oo fursadaha kale ee Moscow hor yaalla ee badiilka uga noqon kara Suuriya ay yihiin kuwo xaddidan oo aysan si sahal ah ugu hirgali Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here