Maraykanka oo isku Diyaarinaya in uu Yahuudda ka iibiyo Hub Cusub oo ku Kacaya Hal Bilyan oo Doolar.

47
0

Wargayska Wall Street Journal ayaa weriyay Isniintii, in Maamulka Trump uu ka codsaday hoggaamiyeyaasha Kongareeska inay ansixiyaan in Yahuudda loo diro bambaanooyin iyo qalab kale oo militari oo ku dhawaad ku kacayo ​​1 bilyan oo doolar, iyadoo Aqalka Cad uu ka shaqeynayo inuu sii wado xabbad-joojinta jilicsan ee marinka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Ameerikaan ah oo ka warqabo iibka hubkaan.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay iyada oo soo xiganaysa saraakiisha, in hubka la iibinayo ay ka mid yihiin 4,700 bambooyin ah oo qiimahoodu ka badan yahay $700 oo milyan iyo cagaf-cagafyo gaashaaman oo ay samaysay shirkadda Caterpillar oo qiimahoodu ka badan yahay $300 milyan.

Dabayaaqadii bishii hore, mareegta Ameerikaanka ah ee Axios ayaa soo xiganeysa 3 sarkaal oo Yahuud ah oo sheegaya, in Trump uu ku amray Pentagon-ka in ay soo afjaraan hakinta uu ku soo rogay maamulkii hore bambooyinka loo waday Yahuudda.

Saraakiisha Sahaayinada ayaa sheegay, in 1,800 oo ka mid ah banbooyinkaas ay yihiin nooca MK-84, kuwaas oo lagu kaydiyay gudaha Maraykanka, laguna rari doono markab loo dirayo Yahuudda maalmaha soo socda.

Isla xaaladdan, Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka Pentagon ayaa sheegtay, toddobaad ka hor in Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth uu ku nuuxnuuxsaday, in Maraykanku uu si buuxda uga go’an yahay sidii loo xaqiijin lahaa in Yahuudda ay leedahay awood ay isku difaacdo.

Wada xaajoodka wejiga labaad ee marinka Gaza ayaa lagu waday in uu dib u furmo shalay oo Isniin ahayd, balse Netanyahu ayaa go’aansaday in uu dib u dhigo illaa iyo inta uu ka dhammaanayo kulanka uu la yeeshay Trump maanta oo Talaado ah, sida uu sheegay website-ka Ameerikaanka ah ee Axios.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here