Yahuudda oo ku Dhawaaqday Tirada Ciidamadii Kaga Dhintay Marinka Qaza.

21
0

Taliyaha cusub ee ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay tirakoobka guud ee ciidamadii Sahaayinada kaga dhintay dagaalka ay ka gajireen Marinka Qaza tan iyo bilowga dagaalkii duufaanta Al-Aqza, xogtan oo aan horay loo baahin ayaa maamulka Yahuudda ka dhex dhalisay muran xooggan.

Zamir, oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca, oo dhawaan la doortay kaddib markii uu is casilay taliyihii ciidamada Yahuudda, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in tirakoobka guud ee ciidamada Yahuudda ee ku dhintay Marinka Qaza ay gaarayaan 6 Kun oo Askari,  halka in ka badan 15 kun oo kalana ay qabaan dhaawacyo kala duwan.

Marba marka ka dambaysa nidaamka Yahuudda ayaa banaanka keenaya siro qarsoon oo muujinaya jabka culus ee kasoo gaaray furimaha dagaalka, taas oo laga qarinayo shacabka Yahuuddu inay ogaadaan, tirakoobkan kii kahoreeyay ee uu wasiirka gaashandhigu soo saaray ayaa lagu sheegay, in tan iyo 7 Oktobar 2023-kii ay dhinteen 1800 oo Yahuudd ah oo ay ku jiraan 400 oo askri oo kaliya.

Halka xoggo sirdoon oo qarsoodi ah ay sheegayaan in tirakoobka guud ee ciidamada Yahuudda ugaga dhintay dagalkii ay ka galeen Marinka Qaza, Lubnaan iyo dhulka Daanta galeed ay gaarayso illaa 13 Kun oo askari, xogahan ayaa banaanka imaaday kaddib markii ay Yahuudda dalbatay inay Xamaas la gasho heshiis xabad joojin ah oo dagaalka lagusoo afjarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here