Xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ee aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa soo saaray sharciyo lagu mamnuucayo adeegsiga erayga Daanta Galbeed ee dukumentiyada dowladda Mareykanka, halka Donald Trump uu sheegay in uusan mowqif ka qaadan in Yahuuddu ay la wareegto Daanta Galbeed, hadalkan oo ah boor isku qaris uu Yahuudda ugu saxiixay lahaashiyaha dhulka Daanta galbeed.
Wargeyska New York Times ayaa sheegay, in golaha Jamhuuriyaddu ay soo saareen sharciyo ay ku mamnuucayaan ereyga Daanta Galbeed in loo adeegsado faylasha dawladda Maraykanka, waxayna ku beddeleen weedha ah “Judea iyo Samaariya” oo ah magaca ay Yahuuddu u taqaano dhulka Daanta galbeed, si ay u xoojiyaan una taageeraan sheegashada Yahuudda ee ah inay maamusho dhulkii ay qabsatay dagaalkii 1967-kii.
Wargeysku wuxuu soo xigtay wakiilka Claudia Tenney, wuxuuna sheegay tiro wakiillo ah ayaa go’aansaday in la dhiso kooxda “Saaxiibada Yahuudiya iyo Samaariya” ee Congress-ka si kor loogu qaado siyaasadaha taageeraya qorshaha Yahuudda ee lagu gumaysanayo dhulka Falastiiniyiinta.
Dhanka kale, Senator Tom Cotton wuxuu ku sheegay bayaan uu kasoo saaray arintan in ay Yahuuddu xuquuq aan jirin ay doonayaan inay ku qabsadaan dhulka Daanta galbeed, wuxuuna ugu baaqay Mareykanka inuu joojiyo isticmaalka ereyga siyaasadeed ee Daanta Galbeed.
Maalintii ugu horeysay ee uu ku laabto Aqalka Cad kusoo laabtay Trump, waxa uu baabi’iyay wareegtadii uu soo saaray maamulkii isaga ka horreeyay ee Joe Biden ee ahayd, in cunaqabatayn lagu soo rogo dadka Yuhuuda ah ee khatarta ku ah ammaanka Daanta Galbeed, isagoo taagero umuujinaya Yahuudda.