Pentagon-ka Maraykanka oo Qorsheynaya in 90 Maalmood Gudahood uu Ciidamadiisa Ugala Baxo Dalka Suuriya.

23
0

Madaxwaynaha Maraykanka ee Donal Trump ayaa horay usheegay in ciidamada dalkiisa ka jooga Suuriya uu kalasoo bixi doono marka uu talada dalkaas qabto, isagoo xusay in joogi taanka ciidamada Maraykanka gudaha Suuriya aysan wax faaido ah soo kor dhinayn.

Saraakiisha Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqay in Pentagon-ku uu ka shaqeynayo qorshooyin ciidamada Maraykanka looga saarayo dhammaan dhulka dhulka Suuriya, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee NBC.

Waxa ay intaa ku dareen saraakiishan la hadlay warbaahinta  in Trump iyo saraakiil ku dhow dhow ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan in ciidamada Mareykanka lagasoo saaro gudaha Suuriya, taasoo keentay in saraakiisha Pentagon-ku ay bilaabaan qorshe ay si buuxda ugaga baxayaan dalkaas 90 maalmood gudahood.

Trump ayaa horay ciidamadiisa ugala baxay dalka Soomaaliya, intii uu hayay mudo xileedkiisii hore ee madaxwaynanimada Maraykanka, iyadoo la qorshaynayo in hada uu mar kale la baxo ciidamadiisa, kaddib markii uu dib ugusoo celiyay madaxwaynihii isaga ka horeeyay ee Joe Badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here