Shan qof ayaa ku dhaawacantay toogasho fiidnimadii Talaadada ka dhacday bakhaarka lagu iibiyo waxyaabaha la isku qurxiyo oo ku yaalla gobalka Ohio ee dalka Mareykanka, sida ay saraakiisha maxaliga u sheegeen warbaahinta.
Josh Poland, oo ah afhayeenka magaalada New Albany ee dhacda gobalka Ohio ee cariga Mareykanka ayaa yiri “Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalka, tuhmanahana lama oga inuu ku jiray dhismaha iyo inkale”.
Toogashada ayaa ka dhacday bakhaarka ay leedahay shirkad sameysa waxyaabaha la isku qurxiyo iyo kuwa nadaafadda.
Booliiska si degdeg ah ugamay hadlin sida uu weerarku u dhacay iyo xaaladda dadka dhaawacmay. Booliska ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay, inay ku hawlan yihiin sidii ay dhammaan shaqaalaha uga saari lahaayeen goobta toogashada kadib.