Ciidanka Suudan ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay in ay horumarro la taaban karo ka sameeyeen magaalada caasimadda ah ee Khartoum, ayna la wareegeen xaafadda Al-rumaila ee xaruntii agabka caafimaadka.
Sidoo kale, ilo-wareedyo gudaha ku sugan ayaa Aljazeera u sheegay, in ciidamada gaashaaman ee ciidanka Suudaan ay la wareegeen guud ahaan xaafadaha Al-rumaila iyo Al-Sajana iyo deegaanka warshadaha ee galbeedka caasimadda Khartoum.
Wararka ayaa sheegaya, in ciidanku ay hadda ku dhow yihiin wadada Al-Ghaba ee tagta bartamaha magaalada Khartoum, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada taageerada degdega ah.
Weriyaha Aljazeera ayaa sheegay, shalay oo Talaadada ahayd in madaxa golaha qaranka ahna taliyaha ciidanka Abdel Fattah al-Burhaan uu booqasho ku tagay jiidaha hore ee dagaalka, isagoo sheegay in ciidanku ay ku dhow yihiin inay la wareegaan gacan ku haynta Buundada Sooba, oo isku xirta galbeedka iyo bariga Khartoum, buundadan ayaana ah goob istaraatiiji ah oo ay saadka ku gudbisan jireen ciidamada taageerada degdega ah ee ku sugan Khartoum, isla markaana ay ku xiriirin jirtay ciidamada ku sugan wabiga Niilka.
Tan iyo bartamihii bishii April ee sanadkii 2023-kii, Suudaan waxaa ka socday dagaallo daba socday kacdoon ay xooggaga Taageerada degdega ah ku qaadeen ciidamada Suudaan, kuwaas oo ilaa hadda sababay dhimashada in ka badan 20 Kun oo qof iyo barakaca 14 milyan oo qof, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay iyo maamulada maxalliga ah, iyadoo qiyaasaha kale ay muujinayaan in tirada dhibanayaasha ay aad uga badan yihiin inta lagu dhawaaqay.