Dhakhaatiir Burundaysa ah oo Xabsiga loo Taxaabay kadib markii ay Shaqada Isaga Tageen.

30
0

Wararka inaga soo gaaraya dalka Burundi ee dhaca qaaradda Afrika ayaa sheegaya, in ciidamada sirdoonka ee dalkaas ay xireen 5 dhakhtar, kaddib markii ay iska casileen xilalkii ay hayeen, sababo la xiriira mushaarkooda.

Dhakhaatiirtu waxay ka shaqaynayeen isbitaalada guud ee dalkaas, iyo sidoo kale dhismayaal caafimaad oo gaar ah oo ay gacanta ku hayaan shakhsiyaad ka tirsan xisbiga talada haya ee CNDD-FDD, waxa ayna dalbadeen in loo kordhiyo Mushaarka, balse waa laga diiday dalabkooda, taas oo keentay inay iska casilaan Shaqadii ay ka hayeen xarumaha gaar loo leeyahay, iyagoo ka sii shaqaynayay isbitaallada Dawladda.

Sida ay wararka tibaaxayaan, dhakhaatiirta oo la xiray intii u dhaxeysay Diseembar 27 iyo Janaayo 31, ayaa wajahaya eedeymo ah inay waxyeeleynayaan amniga gudaha ee dawladaas, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan ururrada ka jira halkaas.

Mid kamida ururrada shaqaalaha dalka Burundi ayaa xaqiijiyey, in dhakhaatiirta la xiray iyaga oo aan haysan amar rasmi ah oo lagu soo xariya, waxaana lagu xiray qolal ay leeyihiin hay’adda nabad-sugidda ee dalkaas, masaadirtaan ayaa intaa ku daray, in 4 kale oo dhakhaatiir ah ay heleen hanjabaado iyo fariimo cabsi-gelin ah oo toos ah.

ilo-wareedyo dhinaca Ammaanka ah ayaa sheegay, in dhakhaatiirta la xiray ay halis galiyeen nolosha muwaadiniinta, falalka ay ku kacayaan awgeed, iyagoo xusay in laga yaabo in bukaannada qaarkood ay naftooda ku waayeen falalkaas. Waa sida ay hadalka u dhigeene.

Xarigan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dalka ka baxayeen dhaqaatiir aad u badan sanadihii u dambeeyay, sababo la xiriira mushaar la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here