Dowladda Niger oo Dalkeeda ka Cayrisay Hay’adda Saliibka Guduudan.

22
0

Wararka ka imaanaya dalka Niger ayaa sheegaya, in dawladda dalkaas ay amar ku bixisay in la xiro xafiisyada ay dalkaas ku leedahay hay’adda saliibka guduudan ama loo yaqaano Laanqeyrta Bisha Cas, isla markaana ay si degdeg ah ula baxaan shaqaalahooda ajnabiga ah, kadib khilaaf soo kala dhaxgalay xubnaha hay,addaas iyo Niger.

Sida ku cad bogga rasmiga ah ee ay dawladaha Isbahaysiga Saaxil ku leeyihiin barta “X”, go’aanka cayrinta ayaa lagu sameeyay amaro ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Niger.

Maamulka ayaa horay u muujiyay walaaca ku saabsan gargaarka bini’aadantinimo ee ay bixiyaan hay’adaha caalamiga ah, kaas oo ay u qaybiyaan hal dhinac oo kamida bulshada.

Talaabadan ayaa imanaysa 3 bilood kadib markii ay xirmeen xafiisya ay lahaayd hay’adda loo soo gaabiyo NGO, ee fadhigeedo yahay magaalada Baariis, taas oo faafiso diimaha ilxaadka ah. Guddiga hay’adda saliibka guduudan ayaa ka shaqeynayey Niger tan iyo 1990-kii.

Hay’adda saliibka guduudan ayaa sheegtay, in xafiiskeeda Niger uu ka jawaabayo baahiyaha bini’aadantinimo ee ka dhashay cawaaqib xumada ka dhalatay iskahorimaadyada ka dhacay gobollada Liptako-Gourma iyo harada Chad, balse hay’addaas ayaaa har iyo habayn u taagan Kirishtaamaynta dadka Muslimiinta ah sida laga dheehan karo magacooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here