Ciidamada Yahuudda oo Maalinkii Afarad Go’adoomin ku Haya Magaalada Tamuun.

25
0

Ciidamada Yahuudda ayaa maalintii afaraad sii wada duulaanka gardarada ah ee ay ku hayaan magaalada Tamuun iyo xerada Al-Fara oo dhanka koonfureed kaga beegan Daanta galbeed ee dhulka la heysto, waxayna ku dhawaaqeen in ay bandow ku soo rogeen magaalada Tamuun.

Wariyaha Aljazeera ayaa sheegaya, in ciidamada gumaysigu ay diyaarad Drone ah ku duqeeyeen deegaanka Tamuun oo ay ka jirto xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran oo ka dhalatay go’doominta iyo howlgalada baaxada leh ee ay wadaan ciidamada gumaysiga.

Dhankeeda, Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay, inay Ciiddanka Yahuuddu xireen Muwaadin iyo Labo Wiil oo Falastiiniyiin ah ka soo jeeda magaalladda Tamuun.

Yahuudda ayaa sidoo kale muddo afar maalmood ah go’doomin ku haysay muwaadiniinta Falastiiniyiinta ah ee ku sugan xerada Farca ee koonfurta Tubaas, kuwaas oo ay u diideen inay usoo gudbaan dhamaan duruuriyaadkii nolosha sida cuntada, biyaha iyo daawooyinka, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Aljazeera.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka ku dhaqan xerada Farca ay sidoo kale soo saareen baaq ay ku dalbanayaan in xerada la soo galo, iyadoo ilo wareedyo ay Aljazeera u xaqiijiyeen in ciidamada qabsaday xerada ay dhowr maalmood ka hor joojiyeen in gaadiidka gurmadka deg dega ah ay gudaha u galaan xerada.

Ciidamada gumeysiga ayaa sii wada howlgalkooda militari ee magaalada Tulkarm iyo xerooyinka waqooyiga Daanta galbeed, arintan ayaana kusoo aadaysa ayadoo maalmaha soo socda loo balansan yahay in wajiga labaad ee heshiiska xabad joojinta Qaza la guda galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here