Wasiirka dagaalka ee Yahuudda ee shaqada laga eryay, Yoav Galant, ayaa sheegay in Ra’iisal-wasaare Yahuudda Benjamin Netanyahu uu ka baqayey inuu ka hor tago Xisbullaah, isagoo aaminsan inay taasi horseedi doonto burburka Tel Aviv.
Galant waxa uu intaa ku daray wareysi uu siiyay Channel 12 ee Yahuudda, in uu la kulmay Netanyahu kadib weerarkii Oktoobar 7, 2023-kii, uuna ku wargeliyay cabsida uu ka qabo in kumanaan askarta Yahuudda kamid ah lagu dilo Gaza haddii uu dhacdo duulaan dhulka ah.
Galant, oo uu Netanyahu shaqada ka eryay 5-tii Nofembar, isla markaana u magacaabay Israel Katz inuu beddelo, ayaa ku macneeyay in Netanyahu uu ka baqay in Xisbullaah ay burburiso Tel Aviv.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Ra’iisul Wasaaraha ayaa daaqadda iga tusay dhismooyinka magaalada, wuxuuna igu yiri: ma aragtaa dhismaha magaalada, waxaas oo dhan way baabi’in doonaan Xisbullaah, kadib markii aan weerarno, waxay burburin doonaan wax kasta oo aad aragto”.
November 27, 2024-kii, heshiis xabbad-joojin ah ayaa soo afjaray duqeymo ay isweydaarsanayeen ciidammada gumeysiga Yahuudda iyo ururka Xisbullaah, ururka Xisbullaah ayaana dhawr mar gantaallo ku garaacay bartamaha magaalada Tel Aviv ee gumaysiga ku jirta.