Mucaaradka M-23 oo Qabsaday Magaalo Cusub oo ku Taalla Bariga Kongo

21
0

Fallaagada M-23  ee ay Rwanda taageerto ayaa Arbacadii la wareegay gacan ku haynta magaalo macdanta laga qodo oo ku taalla bariga Kongo, iyagoo dib u bilaabay inay ku sii siqaan dhinaca magaalada Bukavu oo ah caasimadda gobolka inkastoo xabbad joojin hal dhinac ah ay ku dhawaaqeen afar maalmood ka hor.

Ciidamada M-23  iyo kuwa Rwanda ayaa qabsaday magaalada macdanta laga qodo ee Nyabibwe, oo qiyaastii 100 KM u jirta Bukavu, 70 kilomitirna u jirta garoonka diyaaradaha ee gobolka.

Nyibibwe, oo ah magaalo macdanta laga qodo oo u dhaxaysa Bukavu iyo Goma, ayaa hadda waxaa gacanta ku haya fallaagada M-23, ayuu yiri Nene Bento, oo ah madaxa bulshada rayidka ee gobolka Koonfurta Kivu.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Kongo ayaa ku tilmaamay, la wareegidda fallaagada ee magaaladaas caddayn cad oo ah in xabbad joojinta halka dhinac ee lagu dhawaaqay ay ahayd mid been abuur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here