Washinton oo Cunaqabatayn Dhanka Dhaqaalaha ah Kusoo Rogtay Dalka Iran.

21
0

Waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa sheegtay maanta, inay cunaqabateyntii ugu horaysay kusoo rogtay dalka Iran tan iyo markii uu xilka la wareegay Donald Trump.

Cunaqabataytan ayaa lagusoo rogay shaqsiyaad iyo shirkadaha maraakiibta ee qaada malaayiinta fuustooyinka ah ee  saliid ceyriin, taas oo ay lee dahay dawladda Iran.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ballan qaaday horraantii toddobaadkan inuu dhimayo saliidda Iran ay u dhoofiso dalkiisa, xilli Mareykanku uu isku dayayo inuu ka hortago in dalkaas uu helo hub Nukliyeer ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here