Wiilka Hoggaamiyaha Fatax Marwan Barghouti oo Yahuudda u xiran ku dhawaad 20 sano, ayaa hadallo gaar ah oo uu siiyay warbaahinta ku sheegay in ay jiraan xog wanaagsan oo aan horay loo arag iyo tilmaamo la xiriira, in aabihiis lagu siidayn doono wajiga labaad ee heshiiska xabad joojinta ee Xamaas iyo Yahuudda.
Wiilka Marwan Barghouti ayaa tilmaamay in aabbihii uu weli ku taagan yahay fikirkiisii ahaa xoraynta dhulka Falastiin, isagoo xusay in aysan jirin tilmaamo toos ah oo ku saabsan masaafurinta aabihiis haddii la sii daayo.
Ephraim Halevy, madaxii hore ee Mossad iyo Golaha Amniga Yahuudda, ayaa u sheegay raadiyaha guud ee Yahuudda in Netanyahu uu sii daayo Marwan Barghouti si uu u noqdo saaxiib siyaasadeed mustaqbalka.
Marwan Barghouti ayaa ahaa hogaamiyihii muqaawamada falstiiniyiinta ee Fatax, kuwaas oo ka dagaalama gudaha dhulka Daanta galbeed ee la haysto, hogaamiyahan ayaa xabsiyada Yahuudda ku jira ku dhawaad 20 sano.