Ku Dhawaad 1700 oo Askar Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday is Rasaasayn Dhex Martay Ciidamada Yahuudda Intay ku Sugnaayeen Marinka Qaza. (Warbixin)

24
0

76 askari oo Yahuudd ah ayaa lagu dilay dhacdooyin aan hawlgal ahayn tan iyo markii uu billowday dagaalka Marinka Qaza bishii Oktoobar 2023-kii, oo ay ku jiraan 30 askari oo ku dhintay rasaas ay isweydaarsadeen ciidammada Yahuudda.

Sida laga soo xigtay xogta ciidamada Yahuuddu ay bixiyeen, 71 askari ayaa lagu dilay dhanka Qaza, halka 5 kale lagu dilay dhanka Lubnaan, oo ay ku jiraan 30 askari oo u dhintay rasaas ay isku fureen ciidamada Yahuuddu.

Dhanka kale 26 askari ayaa sidoo kale lagu dilay isku dhacyo kadis ah oo dhex maray ciidmada Yahuudda, halka 6 kalana lagu dilay ku xadgudubka shuruucda badbaadada hubka. 7 askari ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada cirka ama kuwa madaafiicdu ay si khaldan u rideen, halka labo ay ku dhinteen shil wiish ah.

Dhinaca dhaawaca, tirada askarta ku dhaawacantay rasaasta sida khaldan loo riday ayaa gaartay  illaa 1,639 oo askari oo isugu jira saraakiil iyo askar, kuwaas oo dhamantood ku dhaawacmay gudamada marinka Qaza.

40 askari ayaa ku dhaawacmay sababo la xiriira ku xadgudubka xeerarka badbaadada ee isticmaalka rasaasta, halka 70 kamid ah askartan ay ku dhaawacmeen rasaas ay saaxiibadood ku fureen, waxaa sidoo kale kamida askarta ku dhaawacantay 125 askari oo ku dhaawacmay  shilalka baabuurta taangiyada ah iyo kuwa qafilan.

245 askari oo kamida kuwa dhaawacmay ayaa sidoo kale ku dhaawacmay duqeymaha xaga cirka ah ee ay diiyaradaha Yahuuddu ku xasuuqayeen shacabka Falastiiniyiinta,  halka 111 kale ay ku dhaawacmeen madaafiic  si khaldan loola beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Sahaayinada.

Ciidamada Yahuudda ayaa kahor dagaalka Qaza sheegan jiray inay kamid yihiin ciidamada aduunka ugu tabarka fiican, hase ahaatee faankaas ayaa ku qab jabay marinka Qaza, kaddib markii ciidamadan lagu dhiig bixiyay furimaha dagaalka.

Marka lagasoo tago ciidamada Yahuudda ee ku dhaawacmay rasaasta iyo gantaalada ,muqaawamada, waxaa intaas sii dheer ciidamada dhexdooda is dilay kadib markii ay u dulqaadan waayeen jaxiimada dagaalka ee ay lugaha la galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here