Guutada Qassam, garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta ee Xamaas, ayaa shaaca ka qaaday magacyada 3 maxbuus oo Israa’iili ah oo la sii dayn doono berri oo Sabti ah, taasoo qayb ka ah heshiiska wajiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee Marinka Qaza, kaasoo dhaqan galay 19-kii Janaayo.
Afhayeenka ciidamada guutada Al-Qassam Abu Cubeyda ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Iyadoo lagu jiro qaab dhismeedka heshiiska is dhaafsiga maxaabiista, waxaa bari oo sabti ah la sii dayn doonaa sadex maxbuus oo katirsan maxaabiistii Yahuudda laga qabtay 7-dii Octobar 2023-kii, kuwaas oo kala ah Eliyahu Datsun Yosef Sharabi, Or Avraham Lisha Levi iyo Ohad Ben Ami,”.
Dhankeeda, maamulka warbaahinta ee Yahuudda ayaa sheegtay, in wafdiga wada xaajoodka Yahuudda ay berri oo Sabti ah u ambabixi doonaan caasimadda Qatar ee Dooxa, kaddib markii ay Xamas sii daayeen magacyada maxaabiista cusub.
Marxaladan ayaa kusoo aadaysa ayadoo maalihii lasoo dhaafay Natanyaahu uu dib u dhigay kawada hadalka wajiga labaad ee heshiiska xabad-joojinta, wajigan labaad ee heshiiskan ayaa la filayaa inuu ka adagyahay wajiga kowaad ee heshiiska.