Mareykanka oo Joojiyay Kaalmada Dhaqaale ee uu siin jiray Koonfur Afrika.

24
0

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay amar lagu joojinayo kaalmada dhaqaale ee uu Mareykanku siin jiray dalka Koonfur Afrika, sababo la xiriira in Koonfur Afrika ay kasoo horjeesatay xasuuqii ay Yahuuddu ka wadday Falastiin.

Arintaan ayaa si gaar ah salka ku hayso dacwaddii ay Koonfur Afrika u gudbisay waxa loogu yeero Maxkamadda Caalamiga ah, iyadoo banaanka soo dhigtay xasuuq Yahuudda ee ka dhan ah Marinka Gaza, kaas oo ay ku shaheedeen tobanaan kun, halka ay ku dhaawacmeen kumanaan kale.

Aqalka Cad ayaa arrintan ku tilmaamay mid tusaale u ah in Koonfur Afrika ay dhinac ka istaagtay Washington iyo xulafadeeda, Aqalka Cad ayaa sheegay, in amarka uu saxiixay Trump uu wax ka qabanayo arrimaha xuquuqul insaanka ee dalkaas ka jira. Waa sida ay hadalka u dhigeene

Trump waxa kale oo uu sheegay in Koonfur Afrika ay dib u soo noolaysay xiriirkii ay la lahayd Iran, si ay horumariso dhaqdhaqaaqeeda ganacsiga, kan milateri iyo Nukliyeerka. Si kastaba ha ahaatee Trump ayaa ku hanjabay inuu dhimi doono dhaqaalaha uu siiyo Koonfur Afrika wax yar kadib markii uu xafiiska la wareegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here