Ciidamada Yahuudda oo Bilaabay inay si Buuxda uga Baxaan Dhidibka Netzarim.

53
0

Ciidanka Yahuudda ayaa soo saaray amar ku aaddan in ciidamadooda gebi ahaanba ay ka guuraan dhidibka Netzarim ee Marinka Gaza, taas oo qayb ka ah dhaqangelinta heshiiskii xabbad joojinta ee ay la galeen dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas, kadib markii ay deegaankaas gumaysi ku haysteen in ka badan sannad iyo 3 bilood.

Warbaahinta Sahaayinada ayaa baahisay muuqaal muujinaya sarkaal ka tirsan ciidammada Yahuudda oo amar ku siinaya askartiisa inay si kama danbays ah uga baxaan dhidibka Netzarim, kaas oo kala qaybiya waqooyiga marinka Gaza iyo koonfurta.

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in ciidanku la filayo in subaxnimada Axadda, ay dhamaystiraan ka bixitaankooda ku aadan deegaankaas, iyadoo la raacayo heshiiska xabbad joojinta.

Ciidamada Sahaayinada ayaa fuliyay qayb ka mid ah ka bixitaankii ugu horreeyay ee dhidibka Netzarim maalintii toddobaad ee heshiiska oo dhaqan galay 19-kii Janaayo.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sheegay, in goobaha laga guurayo ay ku yaalaan bariga Jidka Salaax al-Diin, taasi oo la macno ah in ciidamada Yahuudda aysan wax joogitaan ah ku yeelan doonin bartamaha iyo waqooyiga marinka Gaza, marka laga reebo ciidamada qaybta 162-aad, kuwaasi oo la soo dhoobay aagga difaaca ee u dhow xad beenaadka.

Sida laga soo xigtay isla wargeyska, joogitaanka millatariga Yahuudda wuxuu ahaan doonaa mid ku xaddidan waqtigan marinka Philadelphi ee koonfurta Marinka Gaza.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in dhidibka Netzarim uu ahaa meel istaraatiiji u ah dhaq-dhaqaaqyada milatari ee Yahuudda, marka laga soo tago muhiimadda uu u lahaa dadka xoogga lagu dajiyay ee haminayay inay dib ugu soo laabtaan goobihi lagu deegaameeyay ee waqooyiga Marinka Gaza.

Warbaahinta Yahuudda ayaa baahisay muuqaal muujinaya askarta Sahaayinada oo boorsooyinkooda iyo qalabkooda ku gubaya dhidibka Netzarim ka hor inta aysan ka bixin.

Qiyaastii laba toddobaad ka hor, ciidamada Yahuudda waxay bilaabeen inay si tartiib tartiib ah ciidamadooda ugala baxaan dhidibka Netzarim, in ka badan nus malyuun Falastiiniyiin ah oo barokacay ayay u suurtagashay in ay dib ugu noqdaan waqooyiga Marinka Gaza, koonfurta iyo bartamaha marinkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here