Ciidamada guumaysiga Yahuudda ayaa soo afjaray duullaan ay muddo toddobaad ah ku hayeen magaalada Tamuun oo dhacda koonfurta Tubas ee waqooyiga Daanta galbeed, waxaana halkaas ka dhashay khasaare ballaaran oo soo gaaray hantida dad waynaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada, halka tobaneeyo kalena lagu dhaawacay magaalada Beytlaxam kaddib markii ay weerareen ciidammada Yahuudda
Ciidamadii Yahuudda iyo dhamaan cagaf-cagafyadii ay wateen ayaa iskaga baxay magaalada Tamuun, kadib howlgal socday 7 maalmood, waxayna ciidamadani dageen fariisimo ciidan oo ku dhow magaalada.
Ilo deegaanka ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay, in ciidamada gumaysigu, ay burburiyeen inta badan waddooyinkii magaalada iyo dhul beereedyo ku yaallay gudaha magaalada iyo duleedkeeda, iyagoo sidoo kale burburiyay guryo iyo masaajidyo ay ciidammada gumaysigu ku sugnaayeen intii uu hawlgalku socday.
Insixaabkan ayaa imaanaya ayadoo ciidamada guumaysiga Yahuuddu ay qaadeen weeraro kale oo ay ka fuliyeen xerada cusub ee Askar oo ku taalla bariga magaalada Nablus.