Qaraxyo Waaweyn oo Laga Maqlay Magaalooyinka Darca iyo Quneitra ee Koonfurta Suuriya.

23
0

Qaraxyo waawayn ayaa xalay saqdii dhexe la maqlay gobalada koonfurta Suuriya, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan, goobaha ay sida gaarka ah uga dhaceen qaraxyadan ayaa ahaa magaalooyinka koonfurta Suuriya ee Darca iyo Quneitra.

Goor sii horreysay, illo maxali ah ayaa soo sheegay in duqeyn cirka ah oo ay Yahuuddu la beegsatay Tal al-Manea oo ka tirsan deegaanka Al-Kiswah ee baadiyaha Dimishiq, ay dhalisay khasaare xooggan kuwaas oo lala beegsaday bakhaaro lagu kaydinayay hubka.

Dhankiisa afhayeenka ciidamada Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday in diyaarado dagaal ay weerar ku qaadeen bakhaar hubka lagu keydiyo oo ku yaalla deegaanka Deir Cali ee koonfurta dalka Suuriya, isagoo sheegay in bakhaaradaas uu hub ugu kaydsanaa xarakada Xamaas.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq ka baxaya goobta la beegsaday. Duulaankan ayaa qeyb ka ahaa duqeymo isdaba joog ah oo ay Yahuuddu ku heyso dhulka Suuriya, kaddib markii la riday nidaamkii Bashaar Al-Asad.

Laga soo bilaabo December 8, 2024, Yahuudda ayaa xoojisay hawlgalkeeda millatari ee Suuriya, iyada oo qabsatay aagga difaaca ka caagan ee u dhow Golan, waxayna sheegatay gacan ku haynta buurta Hermon, marka lagu daro ballaarinta hawlgaladeeda baaxadda ee Quneitra iyo baadiyaha Dimishiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here