Wargeyska New York Times ayaa sheegay, in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay si rasmi ah u ogeysiisay Congress-ka in ay sii wadi doonto iibinta hubka in ka badan 8 bilyan oo doolar, iyadoo la hareer marayo hannaanka dib u eegista aan rasmiga ahayn ee ay hadda wadaan guddi ka tirsan Aqalka Wakiilada.
Wargeysku waxa uu tilmaamay in tallaabadan ay ku soo beegantay laba maalmood oo keliya kaddib markii Donald Trump uu Aqalka Cad ku qaabilay Ra’iisal Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, isagoo ku dhawaaqay in Maraykanku uu faragalin toosa ku samayn doono dagaalka Qaza.
Aqalka Pentagon-ka ee Maraykanka ayaan wax war ah kasoo saarin iibinta madaafiicda, maadaama loo arko iibka tooska ah ee ganacsiga oo aan u baahnayn bayaan faahfaahsan. Taas oo uu Maraykanku ku taageerayo Kayaanka Sahaayinada.
Maamulka Madaxweynihii hore ee Joe Biden ayaa ku dhawaaqay heshiiskan horraantii Janaayo kadibna wuxuu u gudbiyay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka cad iyo Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senatka, si ay dib u eegis aan rasmi ahayn ugu sameeyaan.