Dhulgariir Xooggan oo Ruxay waqooyiga jamhuuriyadda Honduras.

37
0

Dhulgariir xooggan ayaa maanta ku dhuftay waqooyiga jamhuuriyadda Honduras, waana dhulgariirkii ugu xoogganaa muddo sanado ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka ayaa sheegtay, in dhulgariirku uu cabbirkiisu yahay 7.6 Richter, guntiisa hoosana ay tahay 10 KM.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, kani waa dhulgariirkii ugu xoogganaa oo ku dhufta gobolka tan iyo sanadkii 2021-kii, markaasoo uu ku dhuftay dalka Haiti dhulgariir cabirkiisu yahay 7.2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here