Saamayn Intee La’eg ayay ku Yeelatay Dadka Rayidka ah Hawlgallada ay Maalmahaan Yahuudu ka Waday Daanta Galbeed. (Warbixin)

24
0

Hawlgalka ay Yahuuddu ku qaaday Waqooyiga Daanta Galbeed labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa waxa ku barakacay 30 Kun oo Falastiiniyiin ah.

Warbixin xog ah oo ay daabacday Aljazeera ayaa ka soo xigatay guddoomiyaha gobolka Jenin, Muhammad Abu al-Rab, isagoo sheegaya, in 16 Kun oo qof oo ka mid ah dadka ku nool xerada magaalada Jenin ay ka barakaceen tan iyo markii uu billowday howlgalka ay Yahuuddu ugu magac dartay “Darbiga Birta ah” 17 maalmood ka hor.

10,500 oo falastiiniyiin ah ayaa si qasab ah looga barakiciyay xerada Tulkarm ama waxaa lagu hanjabay in la duqeyn doona, waxaana xeradaas ku haray 4 Kun oo qoys oo kaliya, sida uu sheegay gudoomiyaha magaalada, Cabdalla Kaamil. Hawlgalka ayaa sidoo kale ku qasbay 4 Kun oo falastiiniyiin ah inay ka cararaan magaalada Tamuun, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Tubas, Axmed Al-Asaad.

Shalay oo Sabti ahayd ayay ciidamada gumaysigu soo afjareen weerarkii ay ku qaadeen magaalada Tamuun ee koonfurta Tubas, kaas oo socday muddo todobaad ah, waxaana ka dhashay burbur wayn oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha iyo hantidii ee magaalada.

Isla mar ahaantaana, gumaystuhu waxay sii wadeen weerarka ka dhanka ah xerada Farca ee isla magaaladaas, taas oo ku khasabtay tobanaan qoys Falastiiniyiin ah inay ka cararaan xerada.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay, in 31 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen weerar ay ciidamada Yahuuddu ku qaadeen shalay oo Sabti ahayd magaalada Bethlehem ee koonfurta daanta galbeed.

Ciidamada gumeysiga ayaa howlgalo xoog ku galla ah ka sameeyay magaalooyin dhowr ah oo dhaca waqooyiga Daanta Galbeed, sida Nablus, Tukarm, Al-Bireh iyo Qalqilya, waxaana howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgallada maalinlaha ah ee ka socda Waqooyiga Daanta Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here