Ciidamada Suudan oo la Wareegay Magaalo ku Taallo Gobalka Al-Jaziira.

31
0

Ciidamada Suudan ayaa sii wada horumarrada  la taaban karo oo ay ka samaynayaan dagaalka, iyagoo inta badan la wareegay deegaanada Jaziira iyo Khartuum, xili ay ku dhawaaqeen inay la wareegeen magaalada Abu Qota oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan Jaziira, iyo deegaanada kale ee ku yaalla bariga wabiga Niil iyo xaafada Kafouri ee magaalada Bahri.

Afhayeen u hadlay ciidamada Suudan, oo lagu magacaabo Nabiil Cabdallah ayaa sheegay, in ciidamada ay dib ula wareegeen deegaanka Masoudiya oo ka tirsan gobolka Jaziira.

Magaalada Al-Masuudiya waxay ku taallaa waqooyiga Gobolka Al-jazeera, waxayna qiyaastii 50 kiiloomitir koonfur bari ka xigtaa caasimadda.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli taliska qaybta Lixaad ee ciidamada Suudan ay sheegeen, in ciidamada cirka ee milaterigu ay shalay weerar ku qaadeen magaalada Al-Fasher ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur, halkaas oo ay ku dileen tobanaan ka mid ah ciidamada taageerada degdega ah oo uu ku jiro hogaamiye dhalasho ahaan ka soo jeeda Liibiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay, in ciidanka iyo kuwa taageeraya ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones oo ku duuleysay hawada sare ee Al-Fasher, iyagoo intaas ku daray inay burburiyeen 7 baabuur oo kuwa dagaalka oo ku sugnaa dhanka waqooyi bari ee magaalada.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in 12-ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay la socdeen ciidamada RSF ay ka carareen deegaannada lagu dagaalamayo ee ku xeeran magaalada Al-Faash.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here