Central Call, oo ah hay’ad rayid ah oo ay khusayso la socodka xadgudubyada ka dhacaya gobollada dhexe ee Suudaan ayaa sheegtay, in tobanaan qof lagu dilay laguna dhaawacay weerarro ay canaasiir ka tirsan Ciidammada Taageerada degdegga ah ka fuliyeen laba magaalo oo ka tirsan gobollada Khartoum iyo White Nile.
Waxa ay intaa ku dartay, in weerar ay Ciidamada Taageerada Degdegga ah ku qaadeen Tuulada “Wad Jar Al-Nabi” oo ku taalla Koonfurta Magaalada Jebel Al-Awliya uu sababay dhimashada 11 ruux iyo dhaawaca 40 kale.
Waxaa xusid mudan in ciidamada Taageerada Degdegga ah ay maamulayaan magaalada Jebel Al-Awliya tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2023-kii. Waxan lagu tiriyaa Magaalada albaabka koonfur-galbeed ee Khartoum waxayna qiyaastii 45 kiiloomitir u jirtaa bartamaha caasimadda.
Dhinaca kale, dufcadii labaad oo barakacayaal ah ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Port Sudan ee xarunta maamulka Suudan, si ay dib ugu laabtaan gobalka Al-Jaziira oo ku yaalla bartamaha dalkaasi, taasoo ay ciidamadu dib ugala wareegeen ciidamada Taageerada degdega ah.
Waxaa xusid mudan, in inta badan shacabkii ku noolaa gobolka Jaziira oo tiradooda lagu qiyaasay 6 milyan oo qof ay ka barakaceen kadib markii ciidamada Taageerada degdega ah ay la wareegeen deegaanno badan oo ka tirsan gobolkaasi muddo laga joogo labo sano.
Tan iyo bartamihii bishii April 2023-kii, ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah waxay wadeen dagaal ay ku dhinteen in ka badan 20 Kun, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo maamulada maxalliga ah, halka cilmi baaris ay sameeyeen jaamacadaha Mareykanka lagu qiyaasay dhimashada illaa 130 Kun.