Ciidamada Yahuudda oo Barakiciyay Dadka Falstiiniyiinta ee ku Sugnaa Xerada Nuuru Shamsi ee Magalada Tulkaram.

22
0

Ciidamada Yahuudda ayaa tobanaan Falastiiniyiin ah ku qasbay in ay ka qaxaan xerada Nour Shams ee Tulkarm maanta oo isniin ah, iyaga oo guryahoodii ka dhigtay xeryo ciidan.

Dhanka kale iska caabinta ayaa wali sii wada iska hor imaadyada ay kula jiraan ciidamada gumaysiga ee ku sugan gudaha xerada Farca, kuwaas oo duulaan gardaro ah ku haya koonfurta Tubas ee Daanta galbeed ee la haysto.

Dadka ka barakacay xerada Nour Shams ayaa soo sheegay, in ciidamada gumeysiga Yahuuddu ay si bareer ah u burburinayaan xerada, islamarkaana ay ku qasbayaan dadka deegaanka in ay ka cararaan guryahooda.

Tobaneeyo Falastiiniyiin ah ayaa la arkayay iyaga oo lug uga baxsanaya xerada kuna sii jeeda magaalada Tulkarm, iyadoo ciidamada guumeysigu ay sii wadaan weerarka maalintii labaad oo xiriir ah, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya dhawaqa qaraxyada iyo rasaasta.

Shalay oo Axad ahayd, 3 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay rasaas ay ciidamada Yahuuddu ku fureen xerada Nour Shams, oo ay ku jirtay haweeney uur leh.

Werarkan ayaa imanaya ayadoo ay Yahuuddu shalay ku dhawaaqday inay soo afjareen hawlgalkii xasuuqa ahaa ee ay ku hayeen magaalada Tamuun, kaddib markii ay halkaas ku dileen dad shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here