Wafdigii Yahuudda ku Matalayay Wadahadalada ka Dhacayay Dooxa oo Dib Ugusoo Laabtay Talaviv.

22
0

Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in wafdiga Sahaayinada ay kasoo laabteen magaalada Dooxa, waxaana maalinta berri ah golaha wasiirada amniga ay ka shiri doonaan wajiga labaad ee heshiiska xabad joojinta ee Qaza, halka ilo ka tirsan Yahuuddu ay sheegeen in Qatar aysan ku qanacsaneyn hab-dhaqanka Ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu.

Dhanka kale, Channel 12 ee Yahuudda ayaa sheegay, in Netanyahu uu sameyn doono qiimeyn xaddidan maanta oo Isniin ah, taas oo ku saabsan wejiga labaad ee heshiiska, kaas oo la hor gayn doono golaha wasiirrada gudaha.

Kanaalka ayaa intaa ku daray in qiimeyntu ay ka hadli doonto mowqifka Yahuudda ee la cusbooneysiiyay ka hor inta aan la sii wadin wadahadalka Dooxa. Dhankiisa, wargeyska Maariv ayaa sheegay in Yahuuddu ay ka fikirayso soo jeedinta marxaladda kala-guurka ah ee u dhexaysa marxaladaha koowaad iyo labaad ee hirgelinta heshiiska isdhaafsiga maxaabiista.

Wargeyska Haaretz oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah oo Yahuudda ka tirsan ayaa sheegay in Qatar ay aad uga xumaatay hab-dhaqanka Netanyahu iyo hadallada ku saabsan barakicinta Falastiiniyiinta. Ilaha Yahuudda ayaa wargeyska u sheegay in Qatar ay aad uga xumaatay in Netanyahu uu ku guuldareystay inuu wafdi u diro Dooxa Isniintii la soo dhaafay si ay u bilaabaan wadahadal.

Waxa uu intaa ku daray in Qatar ay soo gudbisay fariimo xanaf leh, waxa uuna Yahuudda xasuusiyay in heshiiskan ay sidoo kale ku jirto Dooxa oo dammaanad ka ah dhaqan galkiisa.

Dhanka kale, maamulka warbaahinta Yahuudda ayaa sheegay in wada xaajoodka wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya Yahuudda iyo dhaqdhaqaaqa iska caabinta Xamas uusan weli bilaaban, iyadoo ay jiraan wadahadallo gudaha ah.

19-kii Janaayo, heshiiska xabbad joojinta ayaa dhaqan galay, kaasoo ka kooban 3 marxaladood, oo mid walba uu socon doono 42 maalmood, markii hore, waxaa socday wada xaajoodyo lagu bilaabayo marxaladda labaad, iyadoo ay dhexdhexaadinayaan Qatar iyo Masar, hase ahaatee hada wuxuu buuq badan ka taagan yahay bilowga wajiga labaad ee wada xaajood yada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here