Bannaanbaxyo ka Dhacay Gudaha Yahuudda oo lagu Dalbanayo Dhamaystirka Heshiiska Xabad Joojinta ahaa ee Marinka Gaza.

25
0

Dibad-baxayaal aad ubadan ayaa habeenimadii isniinta isugu soo baxay bartamaha Tel Aviv, waxayna dab qabadsiiyeen xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee Yahuudda, iyagoo kor u qaadayay halku dhigyo ay ugu baaqayeen ra’iisul wasaare Yahuudda Benjamin Netanyahu inuu dhameystiro heshiiska is-dhaafsiga maxaabiista ee uu la galay xarakada Xamaas, iyadoo uu jiro muran iyo shaki laga qabo mowqifkiisa ku aaddan dhameystirka wadahadallada.

Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in dibad baxayaasha ay dab qabadsiiyeen oo ay xireen wadadii ugu muhiimsaneyd ee magaalada si ay u dalbadaan in la dhameystiro howlaha is dhaafsiga maxaabiista iyo in laga fogaado in la waxyeeleeyo heshiiska.

Dibad-baxayaasha ayaa kor u qaaday boorar ay ku qoran yihiin “Maxaabiista dhammaantood soo celi hadda” iyo “Dagaal joojiya”, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin “Israa’iil ayaa jabisay heshiiska” iyo “Netanyahu ayaa jabiyay heshiiska”.

Qoysaska maxaabiista ku xiran Qaza ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen, in ay la hadleen dalalkii dhex dhexaadinaya heshiiska, waxayna dalbadeen in la dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Xamaas iyo Yahuudda si loo sii ambaqaado dhaqan gelinta heshiiska.

Arrintan ayaa timid kadib markii Abu Cubeyda, afhayeenka guutada Al-Qassam – garabka milateri ee Xamaas – uu ku dhawaaqay shalay oo Isniin ahayd, dib u dhigista maxaabiista qaybta lixaad ee loo qorsheeyay in lasii daayo Sabtida soo socota, illaa amar dambe, iyo ilaa inta ay gumaystayaasha u hoggaansamayaan qodobbada heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here