Kooxo Burcad Badeed ah oo Gacanta ku Dhigay Dooni Kalluumeysi oo Laga Leeyahay Dalka Yemen.

39
0

Kooxo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa gacanta ku dhigay dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen, meel u dhow biyaha Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Howlgalka ciidamada badda Yurub ee Bariga Dhexe ayaa sheegay, in dhacdadan ay wali ku socoto baaris, iyadoo lagu macneeyay in weerarka lala beegsaday markab ku sugnaa halka ay dhacdadu ka dhacday oo marayey biyaha bariga dhexe, kana baxsan magaalada Eyl ee Soomaaliya.

Dhankeeda, shirkadda “Ambry” ayaa sheegtay, in weerarku uu sababay in la xado saddex doomood oo yar yar oo ay ku rakiban yihiin matoorada doomaha loogu talagalay, kuwaas oo ah kuwo aad u dheereeya.

“Koox looga shakisan yahay inay yihiin burcadbadeed ayaa la arkayay iyagoo ka baxaya xeebta Eyl,” ayay shirkaddu ku dartay hadal ay soo saartay subaxnimadii saaka oo Talaado ah.

Arintan ayaa imanaysa ayadoo ay wayadan dambe soo badanayaan marakiibta iyo doomaha wadamada shisheeye ee kalumaysiga sharci darada ah ka wada biyaha dalkeena, kuwaas oo xaalufin daran ku haya kahyraadka ceegaaga biyaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here