Ciidamada Ruushka oo la Wareegay Gacan ku Haynta Magaalada cusub oo Dhacda Gobalka Donetsk.

38
0

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa maanta sheegtay, in ciidamada Ruushka ay la wareegeen magaalada Yasenovoye oo ku taalla gobalka  Donetsk ee bariga Ukraine.

“Magaalada Yasenovoye ee dhacda gobalka Donetsk waa la xoreeyay anagoo uga mahadcelinayna howlgallada muhiimka ah ee ay fuliyeen cutubyo ka tirsan Ciidanka dhexe ee Ruushka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka.

Bayaanka ayaa intaa ku daray: “Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xarunta Dhexe ee Ruushka waxay sii wadeen hawlgalkooda weerarrada ah, iyagoo beegsanaya cududda iyo qalabka ciidamada Ukraine ee ku sugan meelo badan oo ka tirsan gobalka Donetsk. Ciidamada Ukraine waxay ku waayeen in ka badan 505 askari, tiro madaafiic ah, taangiyo iyo baabuur dagaal.”

War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in “ciidamada Ruushku ay xalay qaadeen weerarro ballaaran oo ay u adeegsadeen hub iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo keentay in ay beegsadaan xarumaha gaaska iyo tamarta ee taageeraya shaqada dhismaha warshadaha militariga ee Ukraine, kaabayaasha garoommada militariga iyo goobaha lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine”.

Axadii lasoo dhaafay, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ciidamada Ruushka ay la wareegeen magaalada Orekhovo-Vasilyevka ee Donetsk.

Ciidamada Ruushka ayaa guulo la taaban karo gaaray markii ay la wareegeen magaalada istiraatiijiga ah ee Toretsk, sida ay Jimcihii sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here