Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wareysi laga qaaday ku sheegay, in Ukraine ay diyaar u tahay inay bixiso is dhaafsi dhanka dhulka ah oo ay la sameyso Ruushka, taasoo qeyb ka ah wada xaajoodka nabadeed ee suurtagal ah si loo soo afjaro dagaalka ku dhawaad seddexda sano socda ee u dhaxeeya labada dal.
“Waxaan ku beddelan doonnaa dhul,” ayuu Zelensky ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Britain, isagoo intaas ku daray inuu soo bandhigi karo inuu Moscow ku wareejiyo dhulka ay Ukraine ka talinaysay gobolka Kursk muddo lix bilood ah.
Dhinaca kale, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay, in xoghayaha maaliyadda ee dawladiisa Scott Besant uu dhawaan u safri doono dalka Ukraine halkaas oo uu kula kulmi doono Zelensky.
Kadib markii uu ku dhawaaqay Trump dadaalkiisa uu ku joojinayo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, wuxuu xaqiijiyay – wareysi uu siiyay warbaahinta Isniintii – in Ukraine laga yaabo inay noqoto maalin un qayb kamida Ruushka, isagoo dhanka kalana dalbanaya magdhowga kaalmadii ay Washington siisay Kiev illaa iyo hadda.
Waxa uu sidoo kale sharaxay, in uu Kiev ka dalbaday lacag u dhiganta 500 oo bilyan oo doolar oo ah macdan dhif ah oo ku jirta dalkaas, gaar ahaan macdanta loo isticmaalo elaktrooniga.
Trump ayaa sidoo kale Isniintii xaqiijiyay inuu Ergeygiisa gaarka ah u diri doono dalka Ukraine, kaasoo u xilsaaran diyaarinta soo jeedinta lagu joojinayo dagaalka.
Trump ayaa doonaya inuu heshiis dhex dhigo labada dhinac, balse qodobbada heshiis kasta oo suurtagal ah ayaa walaac ku abuuraya Ukraine.