Xooggaga Xuutiyiinta oo ku Hanjabay Inay Dib u Bilaabi Doonaan Dagaalka Hadii ay Yahuuddu Soo Celiso Xasuuqii Marinka Qaza.

38
0

Hogaamiyaha Xuuthiyiinta ee Yemen, Abdul-Malik al-xuuti, ayaa sheegay in ay kooxdiisu dib usoo celin doonto weeraradii ay ku haysay danaha Yahuudda, hadii ay Sahaayinadu dib usoo celiyaan xasuuqii ay ku hayeen marinka Qaza, isagoo carabka ku adkeeyay in kooxdiisu ay diyaar u tahay inay si deg deg ah u bilowdo weeradii ay ka fulinayeen magaalada Tel Aviv.

Al-Xuuti ayaa khudbad uu ka jeediyay telefiishanka ku sheegay, in Yahuuddu ay dib u dhigayaan dhaqangelinta wejiga labaad ee heshiiska, taas oo keeni doonta inuu meesha ka baxo wixii lagu heshiiyay ee ku xusnaa xabad joojinta.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Haddii cadawgu uu dib ugu soo noqdo xaalad dagaal, waxaa dib usoo noqon doonta xaaladihii adkaa ee dhanka amniga, ciidamada iyo dhaqaale ee ka dhanka ah Yahuudda, iyada oo aynu tixgalinayn taageerada Maraykanka”.

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo Yahuuddu ay dib u dhigayso dhaqan galinta heshiiska, si uu dagaalka Qaza dib ugu bilowdo, arintan ayaa imaanaysa kaddib markii Dhaqdhaqaaqa Iska caabinta Xamaas ay ka soo horjeesteen dib u dhigista Yahuudda ee fulinta shuruudaha heshiiska xabad joojinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here